Muxuu yahay “halka qodob” ee Rooble ka aqbalay Midowga Musharaxiinta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Sida aan xogta ku helnay Rooble ayaa aqbalay shirkaas, si ugu yaraan loo moojiyo in Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xaliyo tabashooyinka jira.

Seddexda Maamul Goboleed ee Jubbaland, HirShabeelle iyo Puntland ayaa la sheegay inay ogolaadeen codsiga Midowga Musaraxiinta ee in shir la isugu yimaado si loo qabto ddorasho la isla ogolyahay balse Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa diiday codsiga Midowga Musharaxiinta.

Labadan madaxweyne goboleed, oo ah kuwa maamulladooda ay yihiin kuwa illaa hadda qabta doorashooyinka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, fadeexad culusna kala kulmay sida ay musuqeen, ayaa isku mashquulinaya safaro dibedda ah oo aan macno laheyn, waxayna sheegeen inaysan diyaar u aheyn shir Xamar ka dhaca.

Qorshaha Villa Somalia ee ah in doorashadu noqoto mid loogu shubo madaxweyne Farmaajo ama khilaafka iyo muranka uu sii daba dheeraado ayaa la dhacsan labadaan Maamul ee Gamudug iyo Koonfur Galbeed.

Midowga Musharraxiinta ayaa Todobadkii nasoo dhaafay ku baaqay in la hakiyo doorashada socota islamarkana wax laga badalo sida ay wax u socdaan.