Muxuu yahay Heshiis qarsoodiga ah ee u dhaxeeyea Farmaajo iyo Uhuro.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dhawaanahan soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada Kenya ay usoonsafri doonto Somalia si ay ula kulanto Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Sababt ay Muqdisho u imaanayso ayaa lagu sheegay in heshiis cusub uu dhexmari doono labada dowladood gaar ahaan arrinta jaadka oo marhore dowladda Somalia joojisay.

Daahir Amiin jeesow oo katirsan xildhibaanada Golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay inayna habooneyn in dowladda Somalia ay hada heshiis la gasho sabato ah Somalia oo doorasho ku jirto iyo inay soo dhawdahay Jawaabta dacwada u dhaxaysa Somalia iyo Kenya oo taala Maxkamada Caalamiga Cadaalada (ICJ).

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow” Waxaan uga digayaa Dowlada Soomaaliya in xiligan oo Doorasho lagu jiro ay Heshiis qarsoodi ah la gasho Dowlada Kenya.

“Madaxda sare ee Dalka oo uu ka mid yahay Farmaajo waxaan u sheegayaa hadii uu heshiiskan galo in wax badan ay ug halaabi doonaan, cid walba uu hormuud u noqotana ay ku fashilmi doonto” ayuu yiti Amiin Jeesow.