Muxuu yahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Somalia Iyo Itoobiya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Heshiiskii ugu horeeyey ee rasmiga ah ayey Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdaan Heshiiska Ganacsiga  Qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Somalia.  

Xafladda lagu kala saxiixanayey Heshiiskaasi ayaa waxaa barqanimadii maanta lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadn Cadde ee magaalladan Muqdisho.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka, Duraan Axmed Faarax iyo Daniraha Ethiopia u jooga Somalia iyo Mas’uuliyiin iyo Gaacsato iyo Mart kale ayaana ka qeyb galay Saxiixa Heshiiska rasmiga ee Ganacsiga Labada Waddan ee Somalia iyo Ethiopia.

Heshiiskaasi ayaana horseeday in Kalluunka Somalia uu Suuq Caalami ah ka helo Dalalka deriska iyo kuwa kale.

Dhinaca kale, Shixnadii ugu horeeysay ee Kalluunka Somalia oo dhan 20,000 oo Tan ayaa maanta loo daabulay dalka Ethiopia, iyadoo lagu raray 2 ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines oo maanta Shixnado Qaad ah ka soo dejiyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka iyo Koox Gaacsato Ethiopian iyo Turkish ah ay booqasho Hawleed ku tageen Degmadda Qaddiimiga ee Warsheekh ee Gobalka Sh/dhexe, iyagoo soo indha-indheeyey Furasadaha Maalgashiga iyo Ganacsiga ee Kalluunka.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska Ganacsi ee ay Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdeen Ganacsiga Is-dhaafsiga ee Kalluunka Somalia iyo Qaadka Ethiopia waxa uu abuuri doonaa Mashaariic Horumarineed, Ilo Dhaqaale iyo is-dhaafsi Ganacsi ee Badeecadahaasi  iyo inuu dalka u baaqdo Dhaqaalihii badnaa ee ku bixi jirey Shixnadihjii Qaadkii ee horey maalin kasta looga keenji jirey dalka Kenya.