Muxuu yahay heshiiska dhexmaray Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa la sheegayaa inuu kulamo la qaatay, hoggaanka waaxda sir-doonka Kenya, kuwaasoo uu kala hadlay dhaqan galinta qodobbo ay Madaxweynayaasha labada dal kala saxiixdeen 15 July 2022.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo bilaabo iskaashigii dhinaca amniga, Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Horay labad dal waxay isaga kaasha jireen la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, laakiin taasi waa istaagtay, maadaama mudadii uu xukunka joogay Farmaajo aan dagaal lagu qaadin Al-Shabaab.

Saraakiil amni oo aad ugu dhow xafiiska Taliyaha NISA, waxa ay sheegeen in dhinacyadu isla meel dhigeen dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin, isla-ogaanshaha duqeymaha ciidnka Kenya ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo in guud ahaan howl-gallada Kenya ka sameyneyso gobollada xudduudda lagu war galiyo Soomaaliya.

Kenya waxaa la sheegay in arrintaas ay ka aqbashay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad, wallow dhowr jeer oo hore balamo lala galay aysan fulin, hadii uu hir galo qodobkaan, faa’iido weyn ayey ku tilmaameen xubnaha xogtaan la socda.

Dad iyo duunyo badan ayaa lagu laayey duqeymahaas, shacabka gobolka Gedo ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka dhowr jeer u gudbiyey cabasho ka dhan ah duqeymaha Kenya, balse hadda ka hor waxaba lagama qaban.

Xoojinta iskaashiga ganacsi, in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho, in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan addeega dadweyne (Service) ay Visa-ha Kenya ku helaan 48 saac gudahood marka ay ka codsadaan online, laguna siiyo garoonka iyo qodobbo kale qeyb ka ah heshiiska.

Khilaafkii siyaasadeed ee sanadihii la soo dhaafay ka dhexeeyay labada dal, ayaa meesha ka saaray wada shaqeyntii aminiga iyo isla-ogaanshihii howlgallada Kenya ka fuliso gudaha Soomaaliya, taasoo keentay in dad badan oo shacab ah wax-yeello xoogan  ka soo gaarto duqeymo aan loo meel dayin oo ciidanka Kenya ka fuliyeen gudaha dalka.