Muxuu yahay heshiiska Soomaaliya ay la saxiixatay Ruushka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruse oo booqasho ku tagay Moscow ayaa la kulmay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, waxayna ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Labada dal kala saxiixday heshiis iskaashi ku dhisan is-qadarin iyo wax wada qabsi.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, Russia oo aan booqasho rasmi ah ku tegey wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Ruushka Mudane Sergey Lavrov.

Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu ku yiri wasiirka.

Ruushka ayaa xiligan duulaan xoog leh kula jira Ukraine halkaa oo dowladaha ugu waa weyn caalamka ay hoos u dhigeen xiriirka kala dhaxeeya, balse lama oga waxa xiligan ku soo aadiyay xirirka iyo heshiiska Ruushka iyo Shiinaha.