Muxuu yahay Howlgalka cusub Booliska ee uu horkacayo Farxaan Qaroole?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulan maanta muqdisho ku yeesheen saraakiisha amniga booliska gobolka banaadir ayaa looga hadlay sugida nabad gelyada.

Kulankaan uu shir gudoominayey taliyaha Booliska G/banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa diirada lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa dadka maandooriyaha ka ganacsada iyo kuwa isticmaala.

Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska G/Banaadir ayaa sheegay in kadib kulankooda ay go’aamiyeen in Magaalada Muqdisho laga bilaabo howlgal guud oo lagu xaqiijinayo Amniga

Howlgal ayaa la sheegay in uu bilaaban doono uuna horkici doono Taliye Farxaan sida lagu go’aamiyey shirkaasi.

Taliye kuxigeenka qeybta booliska G/banaadir Gaashaanle dhexe Siciid Cali Maxamuud oo saxaafada qaarkood la hadlay waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii loo suulin lahaa dadka magaalada kusoo kordhiyey muqaadaraadka maskaxda badela.

Kulankaan maanta ee ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay kusoo kordheen Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysanaya mararka qaarna dilaya.