Muxuu yahay Khilaafka soo kala dhexgalay Wasiirka Cadaaladda & Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa Dr Xasan Khliif Xasan ayaa bannaanka keenay khilaaf xoogan oo haatan soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda Soomaaliya iyo guddigaasi.

Dr Xasan Khaliif waxaa uu sheegay in uu sigaar ah khilaafka uga dhaxeeya Wasiir Cabduqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa, kaas oo soo bilaawday markii Guddiga la dhaariyay ee uu dooranayay guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenka.

“Waa khilaaf ku kooban guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, wasiirka koowaad ee wasaaradda iyo agaasimihiisa guud,” ayuu yiri Dr Xasan Khliif Xasan.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa Dr Xasan Khaliif oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa sheegay in khilaafka uu baawday kadib markii Wasiirka Cadaaladda uu si sharci darro ah isugu dayay in uu soo farageliyo howsha Guddiga, balse khilaafka uu sarasmi ah u soo baxay 9-kii  Bishaan xilli loo dabaal degayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka musuq maasuwa.

“Arrinkaas wuxuu soo billowday guddiga markii la dhaariyey ka bacdi ee uu dooranayey guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu damcay wasiirka cadaaladda inuu u soo farageliyo hab aan sharci aheyn, taas oo uu guddigu diiday,” ayuu raaciyey

Ugu dambeyn Dr Xasan Khaliif waxaa uu ku eedeeyay Wasiirka  Cadaaladda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda inay si sharci darro ah gacanta ugu jiraan howlaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe aad loo hadal hayey khilaafkan oo si weyn loo dareemay sagaalkii bishan oo ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa, taas oo keentay inay xuska isku khilaafeen labada dhinac.