Muxuu yahay Kulanka Qarsoodiga ee Axmed Madoobe la Qaatay Taliyaasha ugu Sareeya Ciidamada Kenya?

MOQDISHU AYAAMAHA Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in taliyaasha ugu sareeya ciidamada Kenya ay kulan la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kulankaas oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan warbaahinta lala wadaagin.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sarkaalka ee ugu sareeya ciidamada sirdoonka dalka Kenya waxaa uu gaaray magaalada Kismaayo waxuuna kulan albaabada u xiran la qaatay Axmed Madoobe xili aan dowladda Federaalka Soomaaliya aan ka warqabin kulankan qarsoodiga ah ee sirdoonka Kenya ay kula kulmeen Axmed Madoobe.

Shalay oo Axad aheyd ayaa markale magaalada Kismaayo waxaa gaaray taliyaha ciidamada Kenya wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waana sarkaalkii labaad ee ka socda Kenya oo muddo 48 sacadood gudahood kulan la qaata Axmed Madoobe.

Lamo oga waxyaabaha rasmiga ah ay ka wada hadleen sirdoonka Kenya iyo Axmed Madoobe balse, wararka ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso inay qeyb ka noqoto wajiga labaad ee dagaalka la qorsheynayo in lagu qaado Alshabaab balse Madaxweyne Xasan Sheekh uu rabo in bedelka ciidamada kenya uu keeno ciidamo Itoobiyan.

Kenya ayaa si toos ah waxay marwalba ula macaamishaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidii maamul ka madax banan Soomaaliya inteeda kale, iyada oo aan aqoonsaneyn dowladda federaalka Soomaaliya oo masuul ka ah xuduudaha dalka Soomaaliya.