Muxuu yahay markabka ay saaran yihiin 800 oo qof oo qaba xanuunka Covid-19?

Markab raaxada ee qaada dadka fasaxa ah oo siday ilaa 800 oo rakaab ah oo qaba xanuunka Covid-19 ayaa ku soo xirtay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Markabka oo la yirahdo Majestic Princess ayaa yimid Circular Quay, isagoo ka soo shiraacday New Zealand.

Qiyaastii 4,600 oo rakaab ah iyo shaqaalihii markabka ayaa saarnaa markabka markii uu soo xirtay – taasoo la macno ah in shantii qofba uu mid uu qabo Covid.

Dhacdadaan ayaa waxay dib inoo xasuusinaysa markabkii Ruby Princess ee uu Covid-ka ka dhex dillaacay horraantii 2020, halkaas oo ugu yaraan 900 oo qof laga helay hala 28 ka mia ahna ay u dhinteen.

Marguerite Fitzgerald, oo ah madaxa hawl wadeenada dalxiiska ee Carnival Australia, ayaa sheegay in tiro badan oo kiisaska la ogaaday qiyaastii kala barkii safarka 12-ka maalmood ahaa.

“Dhammaan kiisaska waxay ahaayeen kuwo khafiif ah, ayay tiri.

Shaqaalaha markabka ayaa  waxay dhammaan dadka dalxiiseyaasha ah ee u uku dhacay xanuunka ka caawin doonaan “helitaanka gaadiidka gaarka ah iyo hoyga si ay u dhammaystiraan muddada karantiilka”, ayay tiri. Markabku wuxuu dhawaan u shareecan doonaa magaalada Melbourne.

Mar wax laga weydiiyay isbarbardhigga iyo farqiga u dhexeeya markabkan Princess Majestic iyo markii Ruby Princess – Ms Fitzgerald waxay tiri: “Wixii markaas ka dambeeyay, bulsho ahaan wax badan ayaan ka baranay, gaar ahaan wax badan oo ku saabsan Covid.”

Faafitaanka ayaa imaanaya iyadoo kiisaska Covid ay kor u kaceen guud ahaan Australia.

Gudaha New South Wales, 19,800 xaaladood oo cusub ayaa laga helay todobadii maalmood ee la soo dhaafay.