Muxuu yahay ninka Soomaaliga ah ee cunuggiisa ku dilay haddana magdhowga raba?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin Soomaali ah oo muddo xabsi daa’in ugu xukunnaa dil uu u gaystay cunug uu dhalay ayaa hadal-hayn dhaliyay kaddib markii la ogaaday in caddaalad-darro lagu xiray, isagoo haddana loo fasaxay inuu magdhow raadsado.

Sanadkii 2019 ayaa xukunkiisa la laalay kaddib markii uu xabsi ku jiray 16 sano, isagoo haddana la filayo in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Waa kuma Yuusuf Cali?

Xog badan lagama hayo Yuusuf Cali Cabdi, balse waxa uu ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee qaxootinnimada uga baxay Soomaaliya xilligii ay socdeen dagaalladii sokeeye.

Sanadkii 1997-kii ayuu Yuusuf tagay dalka Ireland, halkaas oo noloshiisa uu dib uga billaabay.

Daa’uud Cabdullaahi Gilingil oo ka mid ah Soomaalida deggan Ireland ayay BBC Somali la xiriirtay si ay wax bada uga ogaato arrinta Yuusuf. Wuxuu noo sheegay in Yuusuf ay sanadkii 1998-kii isbarteen haweeney u dhalatay Ireland oo ay haasaawe wadaageen, isla sanadkii xigayna ay isguursadeen. Daa’uud wuxuu si dhow ula socday xogta ku saabsan kiiskan.

Siduu u dhacay dilka cunugga?

Muddo hal sano ah markii ay wada joogeen Yuusuf Cali iyo xaaskiisa Irish-ka ah waxaa u dhashay cunug.

“Bishii April ee sanadkii 2001-dii ayay haweeneyda oo cunuggii yaraa wadata gurigiisa ku booqatay Yuusuf, sida ay sheegtay iyadu. Cunuggii yaraa ayuu qaatay 4:30 habeennimo xilli ay hurdaysay, iyadana qol ayuu kusoo xiray,” ayuu yiri Daa’uud Cabdullaahi oo ka sheekeynayay sida uu dilka u dhacay.

Prison officer

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku sii daray: “Waxay haweeneydii maqashay shanqar ay hurdadii uga kacday waxayna aragtay Yuusuf oo ilmihii yaraa darbiga la dhacaya. Way qaylisay, durba waxaa timid askartii. Abbaaro 5:30-kii markii ilmihii la qaadayna waxaa la ogaaday in uu meyd yahay.

“Waa la xiray ninkii, maxkamad ayaa la hor geeyay, 2003-diina waxaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah maaddaama la xaqiijiyay inuu cunugga isagu dilay.”

“Xanuun u sheegaya inuu wax dilo”

Markii la xiray kaddib ayuu Yuusuf dhowr jeer sheegay inuu qabo xanuun xagga dhimirka ah, uuna ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aabbihiis lagu dilay dagaalkii sokeeye.

“Waxa uu marar badan sheegay inuu qabo xanuun kusoo kaca oo u sheega inuu wax dilo, maaddaama uu soo arkay xaaladihii dagaallada sokeeye,” ayuu yiri Daa’uud.

BBC