Muxuu yahay Ninka Turkiga ah ee Baraha Bulshada Soomaalida aadka looga hadal haayo?

Maxaa ka naqaanaa jalaatoolaha caanka ee Çılgın Dondurmacı, oo ah ninka ay maanta hadal heyntiisu baraha bulshada Soomaalida ku faafay.

Çılgın waa 40 jir ka soo jeeda beriga Turkiga, magaciisa rasmiga waa Mahmet, waa heesaa, dheelyahan iyo ganacsade. Wuxuu xarun lagu iibiyo jalaato ku leeyahay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Antalya. Dalxiisayaasha ayaa aad uga hela in ay ka iibsadaan sidoo kalena daawadaan qoob-kaciyaarkiisa.

Çılgın ayaa caan ku ah heestiisa (Kalbimsin ) oo ka dhigan; waxaad tahay qalbigeyga taas oo ah midda ay ku cayaaraan qof walba oo ka iibsada jalaatada. Sida ay hore u tebisay warbaahinta Turkiga, Wuxuu todobaad walba xaruntaan ka sameeyaa lacag ka badan 100.000 $( boqol kun oo dollar)

Barahiisa bulshada waxaa ku xiran malaayiin dad oo kala jooga dunida, wuxuu ku war geliyaa qof walba oo doorta inuu ku ciyaaro heestiisa inuu ku baahinayo barahiisa bulashada. Xaruntiisa waxaa booqda dadka caanka ah oo ay ciyaaryahannada, aktarada iyo fanaaniintu ka mid yihiin.

Ma jirto wax gaar u ah gabdhaha Soomaalida, qof walba oo halkan raba in uu ka iibsado jalaato ayaa ciyaara (waa hadii uu qofka raali ka yahay) isagana ma jiro qof uu ku qasbi karo inuu ciyaaro.