Muxuu yahay nooca hubka ee dowladda federaalka ay siisay Macawiisleyda?

Hub lasoo galiyey Muqdisho
Hub lasoo galiyey Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan qorshaha ugu jirin inay hubayso ciidamada Macaawisleyda ee qeybta weyn ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab.

“Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro, keliya dowladdu waxa ay siisaa rasaas macowsleyda, dhaawacoodana waa la daweeyaa,” ayuu yidhi la taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh ee amniga qaranka.

Xuseen Macallin wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay iyadu haatan hoggaaminayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo ka hor sheegay inay dowladda Soomaaliya si buuxda u garab istaagayso ciidamada qabaa’ilaada ee isku abaabulay la dagaalanka Alshabaab .

Maalmo kahor, xildhibaan katirsan barlamaanka ayaa su’aal galiyay in ciidamada Macaawisleyda ay isku beddeli karaan jabhado qabiil oo dagaalka Alshabaab kadib keeni kara dhibaato hor leh oo ku saabsan in qabiilladu isku laayaan hubka gacanta loo galiyay.

Balse, dad uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa arrintaas ku tilmaamay farriin ay Alshabaab soo dhexmartay xildhibaanka, si loo cuuryaamiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Macaawisleydu horkacayaan.