Muxuu Yahay Qodobka Ugu Adag Ee Shirka Madaxda Federaalka iyo Maamuladda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si loo qabto doorasho xor oo heshiis lagu wada yahay.

Arrinta Somaliland ayaa la sheegayaa inuu yahay qodobka ugu adag ee dooddiisa ay hareyn doonto shirka, maadaama mid ka mid ah labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland uusan weli ku qanacsaneyn qodobkii is fahamkii shirkii Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee Shirka ka qeyb galaya ayaa maalinta berri oo Isniin ah dib isugu soo laaban doono, si loo sii amba qaado doodaha adeg ee Madaxda.

Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.