Muxuu Yahay Qorsha Cusub Ee Midowga Musharaxiinta Kadib Heshiiskii Afisyooni?

Midowga Musharaxiinta oo damacsan
Midowga Musharaxiinta oo damacsan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubnaha Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa shaaciyay in Golahooda uu siijirayo maadaama doorashada Soomaaliya heshiis laga gaaray dhawaana ay bilaabaneyso.

Kulanka xubnaha Midowga Musharaxiinta waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin aayaha dambe ee golaha iyo doorkooda ku aadan fulinta heshiiskii la gaaray, waxayna soo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada ee la gaaray, waxaana uu sheegay in dadaal farabadan loo galay in laga hortaggo in dalka galo fowdo & xaalad kali-talis ah.

Sidoo kale Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in dadaalkii loo galay hirgelinta arrimaha doorashooyinka ay m idowga musharixiinta sii wadi doonaan, isla markaana aysan kali tegi doonin.

“Goluhu waxa uu ka dooday oo isla meel dhigay in dadaalkii iyo howlihii uu waday ee ku aadanaa dowlad dhisidda Soomaaliyeed heshiiskaas kadib aan lagu kala tegin, isla markaana dadaalkoodu uu sii soconayo, ilaa dalka doorashadiisa ay ka meel mareyso,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Ugu dambeyn Afhayeen Daahir Maxamuud Geelle ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Saraakiisha & Ciidamadii ka hortegay mudo kordhinta ee la Magac baxay Badbaado Qaran.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay shalay maanta ku ilaawaan, oo wixii dhacay laga gudbo, isla markaana loo jeesto aayaha berito, waxaana bogaadineynaa dadaalladii lasoo sameeyey, waxaana balan qaadeynaa in danta bulshada Soomaaliyeed aan mar kasta u tanaasuli doono,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle.

Warkan kasoo yeeray Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Khmiistii la soo dhaafay la shaaciyay heshiis laga gaaray Arrimaha doorashada Soomaaliya, isla markaana la filayo in muddo 60 Cisho Gudahood ah ay doorasho ka dhacdo dalka.