Muxuu Yahay Qorshaha Halista Ah Ee Loo Diyaariyay Dadka Horkacaya Banaanbaxyada Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Nabad sugid Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa bilaabay qorshe cusub oo lagu beegsanayo shaqsiyaadka mucaaradka u adeegaya ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo abaabula Banaanbaxyada & qorsheyaasha looga soo horjeeda Dowladda Farmaajo.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugida ayaa loo xil saaray iney eryadaan dadka horjoogayasha ay u yihiin musharaxiinta mucaaradka ee qaska ka wada magaalada Muqdisho ee dadka isku soo bixinaya si kacdoon dadweyne uga sameeyaan magaalada.

Hadda waxaa Nabad sugida u xiran qaar ka mid ah dadkii soo abaabulay banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho dhaawac soo gaaray dad rayid oo qeyb ka ahaa dibadbaxyada looga soo horjeeday Dowladda.

Ciidamo Nabad sugid ah oo ka amar qaata Fahad Yaasiin ayaa guryahooda kala soo baxay dhalinyaro qaarkood ka tirsan Xisbiyada mucaaradka gaar ahaan Xisbiga UPD oo uu hoggaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud, halka kuwo kale ay cagahooda ku baxsadee ka dib markii ay ka war heleen in la baadi goobayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xaqiijiyay iney jiraan dad ay Dowladda Federaalka kala baxday guryahooda oo hadda s sharci daro ah ugu xiran, wuxuuna ugu baaqay iney sii deyso.

Qorshahan oo ah mid caburin ah ayaa dhanka kale, u muuqdo mid fariin loogu dirayo dadka ay soo dirayaan musharaxiinta mucaaradka ee abaabulka dadweyne ka wada Muqdisho.