Muxuu yahay qorshaha halista ah ee Saciid Deni uu la damacsan yahay Xasan Sheekh?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalin Axad ah 28 April 2013, Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkii u horreeyay intii uu xilkaas qabtay ku yimid caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ,oo markaas aad uga soo horjeeday maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynihii Puntland ee xilligaas, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa xilligaas meel adag ka istaagay qorshihii Xasan Sheekh Xasan Maxamuud ee ka dhanka ahaa maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana lagu guulaystay in bishii xigtay ee May la dhiso Dowlad Goboleedka Jubaland.

Inkastoo Xasan Sheekh uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay hor istaaga dhismihii Jubaland, haddana waxaa qorshahaas hal bacaad lagu lisay ka dhigay go’aan adaygii Cabdiraxmaan Faroole.

Xasan Sheekh oo mar kale Madaxweyne ka ah Soomaaliya, waxa uu hadda isu diyaarinayaa dagaal siyaasadeed ka dhan ah Jubaland.

Ujeedka safarkiisa Garoowe ayaa lagu micneeyay mid uu ku doonayo in uu Puntland soo dhowaysto, ka hor inta aanu dagaal siyaasadeed cusub ku qaadin Jubaland.

Puntland iyo Jubaland ayaa mudda dheer ahaa xulafo siyaasadeed adag, inkastoo doorashadii u danbaysay ee Xasan Sheekh ku soo baxay kadib aanu xiriirkoodu wanaagsanayn.

Haddii Xasan Sheekh ku guulaysto in uu kala furo Garoowe iyo Kismaayo, tallaabadiisa xigtaa waxay noqon in uu dagaal dhinac kasta ah ku qaado Axmed Madoobe, si uu meesha uga saaro.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in uu Jubaland keensado shakshi maqaar-saar ah oo aan waxba ka diidin, islamarkaana keliya fuliya danaha siyaasadeed ee Villa Somalia.

Wax kasta oo jiraba, Madaxweyne Deni waxaa hadda la gudboon in uu qaato go’aan lamid ah kii Cabdiraxmaan Faroole oo aanu marna aqbalin qorshaha Xasan Sheekh ee ku jihaysan Jubaland

WQ: Cabdiraxmaan Ciise