Muxuu yahay qorshaha R/W Rooble ee Aqalka sare afarta sano soo socoto?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda in qorsha kale uu ka leeyahay doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, isagoo maanta sheegayArrimaha uu khudbadda maanta ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah in uu doonayo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Soomaaliya.

“Khilaaf kasta iyo isqabqabsi kasta wuxuu dhammaanaya amar ay doorashada noo hagaagto,” ayuu yiri.

Dowlad goboleedyada wali ku howlan doorashada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday in ay soo dhammeystiraan kuraasta wali harsan.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro saaxiibbadeey dowlad goboleedyada oo aan rabo inaan u sheego in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabaan Aqalka Hoose.”

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee ku hartay dowlad goboleedyada – 4 Jubaland, 2 Galmudug iyo 2 Hirshabeelle – inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Rooble.

Marka uu Aqalka Sare istaago ayuu sheegay inuu noqon doono masiir loogu soo hagaagi karo arrimaha Soomaaliya.

“Marka lasoo afjaro doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaan rabaa taariikhda inay gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya si ay si ay u sameystaan guddonkoodii iyo nidaamkoodii, sidaasna ay Soomaaliya u yeelato hay’addii ugu horreysay ee dastuuri ah, dalka uu u yeesho madax lagu soo hagaago, oo anigana ila xisaabtama anigana aan la xisaabtamo.”

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi lagu dhammeystiro, haddii kuraasta ka dhiman dowlad goboleedyada kale lasoo gudbiyana waxaa billaaban doonta howsha doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.