Muxuu yahay u jeedka kulanka Axmed Madoobe iyo Laftagareen ee Kismaayo?

waxaana halkaas kasoo baxa Xildhibaano kamid ah beesha Raxanweyn
waxaana halkaas kasoo baxa Xildhibaano kamid ah beesha Raxanweyn

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ee Jubbaland.

Lafta gareen ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato marka uu tago magaalada Kismaayo Madaxda maamulka Jubbaland, waxaana kulankooda looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo arrimo kale.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa degan dad badan oo reer Koonfur galbeed ah, waxaana halkaas kasoo baxa Xildhibaano kamid ah beesha Raxanweyn.

Lama ogo inuu mira dhali doono dadaalka uu wado Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.