Muxuu yahay u jeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee magaalada Beledweyne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalin ka hor Magaalada Beledweyne waxaa gaaray wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana sidoo kale tegi doona maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo gogol xaar u noqonaya safarka Ra’iisul Waaare Xamse ee Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Xamsa cabdi Barre ayaa saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu tago magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Ammaanka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adeeyay, waxaana gudaha magaalada lagy arkayaa Ciidamo farabadan oo sugaya Amniga Magaalada Beledweyne.

Xamza ayaa ujeedka safarkiisa ee magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda dadka kunool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa safaro ku marayay degaano katirsan gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu sheegay in Ciidamadu ay degaano dhwor ah la wareegeen.