Muxuu yahay u jeedka safarka Taliyaha Ciidanka lugta Uganda ee lakulay Farmaajo & Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba oo uu dhalay Madaxweynaha Uganda iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay.

Wafdigiisa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ciidan iyadoo hore aan loo sii shaacin safarkooda Caasimada Soomaaliya Ee Magaalada Muqdisho.

Taliye Muhoozi ayaa maanta si kala duwan ula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan , in kaatoo aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Taliyaha maanta soo gaaray Muqdisho waxaa dhalay Madaxweynaha Waddanka Uganda Yoweri Museveni, waxaana socdaalkiisa Xamar ee maanta uu ku soo aaday xilli khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Uganda ay dooneyso inay kaalin ku yeelato xal ka gaarista khilaafka islamarkaana la doonayo in deg deg loo xaliyo.

Safarkaan uu Muqdisho Maanta ku yimid Taliyaha Ciidanka lugta Uganda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf uu weli u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.