Muxuu yahay ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xamza ee Masar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah uga bilaaban doonta dalka Masar ayaa qaadan doona ilaa Saddex Cisho, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay arrimo dhowr ah oo quseeya labada dal.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay sii ballaariso xiriirka ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Caalamka oo ay kujiraan dalalka taageerada siiya Soomaaliya