Muxuu yahay ujeedka socdalka C/wali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ee Garoowe?

GAROOWE AYAAMAHA Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Waasaarihii hore ee Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid, Wasiirro hore iyo siyaasiyiin kale oo isbeddel-doon ah ayaa soo gaaray Garoowe.

Hadal kooban oo ay saxaafada siiyeen Waxa ay ku sheegeen inay doonayaan inay xalka arrimaha taagan qeyb ka noqdaan, si dagaal kale uusan uga dhicin caasimada Puntlan.

Gaas oo la aaminsan yahay in uu musharax u yahay doorasho ku dhacda sidii uu xilka ku wareejiyey, ayaa sheegay iney u yimaadeen Badbaadinta Puntland.

Si kastaba, Magaalada Garoowe, ee caasimadda maamulka Puntland, waxaa ku sii qulqulaya siyaasiin iyo madax dhaqameed ujeedkoodu uu yahay xal u helidda gacan ka hadalkii dhawaan Garoowe ka dhacay, kaasoo galaaftay nolosha dad gaaraya 30 ruux.

Maalmaah soo socda ayaa waxa lagu wadaa in ay u furmaan shirar looga hadlayo doorashada Puntland ee 2024 iyo sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe.