MW Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Gobolka oo ka qeyb galaya xaflada daahfurka Dekada Garacad.

GAROOWE-AYAAMAHA-Xaflad lagu daahfuraayo Dekada Garacad oo dhowaan la dhisay ayaa waxaa ka qeyb geli doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar iyo Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Gobolka.

Dekeda Garacad oo sanado ka hor lagu dhisay mashruucii u horreeyay isku tashi ah oo Soomaali leedahay ayaa maanta lafilayaa in wajigiisa koowaad xarigga laga jaro.

Dekadan ayaa ah mid aad u qurux badan oo si caalami ah loo dhisay, waxaan mashruucaan ku baxday lacag malaayin dollar oo isku tashi lagu aruuriyey.