MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay kulan wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga adduunka ay ka yeesheen qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in lasii wado dib u habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deyn cafinta.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxana uu ku soo beegmay xilli Bangiga Adduunka uu ka digey in dhaqaalaha lagu kabo dowlada Soomaaliya la joojinayo haddii aan la dooran Madaxweyne.

Dowlada Soomaaliya ayaa xilligii Bangiga Adduunka u qabtay waxa ay ku guuleysatay in labo cisho ka hor la doorto Madaxweyne kadib markii la dhamaystirey dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.