MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir madaxeedka 31-aad ee dalalka Carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u ambabaxay dalka Aljeeriya oo uu ka dhacayo shir madaxeedka wadamada Carabta. Madaxweynaha ayaa intii uu ku gudajiray safarkiisa wuxuu ku sii hakaday dalka Sudan, isagoo halkaas kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda dalka Aljeeriya uga qeyb galeyso Shir madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta.

Wararka ay Risaala heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu uga sii gudbi doono markii uu dalka Aljeeria uga qeyb galo shirka dalka Masar, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.