MW Xasan Sheekh oo magacaabay La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdullaahi Maxamed u magacaabay inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka hortagga iyo La dagaalanka waxa loogu yeero Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo noqday Wasiirkii amniga ee Xukuumaddii Xilgaarsiinta ee Ra’iisal Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.