MW Xasan Sheekh oo saxiixay sharci dhabar jab ku ah Al-Shabaab.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa saxiixay sharciyadda Cunaqabateynta Maaliyadeed ee cayiman, Sharciga Hey’adda Sirdoonk iyo Nabadsugida Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka oo ay meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

Sharciyadan ayaa qaarkood ka dooddidooda iyo ansixintooda ay adkeyd sanado ka hor, sida kan Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo aan wax sharciyad ah laheyn tan iyo markii la dhisay hey’addaas 50 sano ka hor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu dhaqan gelinayo qaab dhismeedka hey’addaha Sharciga u ah dowladnimada oo la ansixin doono sharciyo dhowr oo muhiim ah, iyadoo dhowaan Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lagu ansixiyay sharciyo badan oo salka loogu dhigay dhismaha hey’addo aanay horay wax sharci ah laheyn.