MW Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta ay Puntland u diiday saxiixa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qodobadii Puntland diiday inay saxiixdo  ayaa sheegay in labadaas Ajende horay looga balamay oo shirkii hore ee golaha lagu go’aamiyey in shirkaan dambe looga wadahadlo labadaas qodob, “Xiligaas waxaan ku balanay in qolo kasta ay ka soo fekerto,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadal kadib shirkii u dambeeyey heshiis looga gaaray labadii qodob ee ajendaha u aheyd shirka, balse Puntland aysan saxiixin heshiiska.

“Walaalaheen reer Puntland waxay ka cudurdaarteen heshiiskaas, waxay dalbadeen waqti dheeri ah oo wadatashi ay ku soo galaan, waqtigii ay u baahnaayeen ayey qaateen, waana ka rajeyneynaa in aragtidooda ay noo keenaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Walaaleheen reer Puntland, waxaan ka rajeyneynaa in mar dhow aan aragtidooda helno, si loogu saleeyo dastuurka la sameyn doono,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Labada qodob ee Puntland diiday ayaa kala ahaa HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA iyo ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA.

Maamulka Puntland ayaa ka fac ka weyn maamulada kale ee dalka, waxay isku aragtaa inay ka xaquuq badan tahay maamulada kale ee dalka, iyada oo ogoleyn awooda heer federaal ee dowladda dhexe leedahay.

Inta badan Maamulka Puntland  ayaa loo u arka mid caqabad ku ah hormarka  dowladnimada Soomaaliya, waxay isu aragtaa inay gooni ka tahay Soomaaliya oo waxay heshiis la gashaa dowladdo kale.