MUQDISHO-AYAAMAHA-Guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa aad u xoogeystay sacadihii lasoo dhaafay, iyadoo xalay kulamo ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Xasan sheekh uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday.
Madaxweye Xasan Sheekh ayaa xalay xildhibaanada kala hadlay saddex qodob oo kala ah:- arrinta doorashada qof iyo cod, dagaalka Argagixisada iyo guuxa mooshinka la damacsan yahay in laga keeno Xukuumadda.
Sacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in la furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo labo jeer dib u dhacay, iyadoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan.
Furitaanka kalfadhigan lixaad ee BFS ayaa waxaa hareeyay dooddo iyo is qabqabsi badan waxaana xildhibanda ugu badan ay rabaa inay meesha ka saraan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in si rasmi ah Madaxweynuhu u furo kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka, waxaana kalfadhigan uu ka duwanaan doonaa kalfadhiyadii hore maadaama uu yahay kan ugu dambeeya ee awooddaha Baarlamaanka, maadaama muddo xileedka baarlamaanka uu ka harsan yahay hal sano.