MW Xasan Sheekh, RW Xamza iyo dhammaan xukuumada oo billaabay weerar kalsooni loogu raadinayo Wasiirada cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya ayaa dhankooda ka bilaabay olole ay xukuumadda cusub codka kalsoonida uga raadinayaan golaha shacabka oo maalmaha soo socda la filayo in la horgeeyo.

Dadaaladan oo saf balaaran leh dadka wax ka wada waxaa kamid ah madaxweynaha dalka Xasan sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, iyadoo ay banaanka u soo baxday guuxa xildhibaanada qaar ee ka dhanka ah golaha wasiirada ee cusub.

Waxaa la arkayay qaar kamid ay golaha wasiiradda oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Nuur Jaamac oo kulan gaar ah la yeelanaya xildhibaanada beeshiisa, si uu ugu qanciyo iney codka kalsoonida siiyaan marka la horgeeyo baarlamaanka, waana amar ka yimid dhinaca ra’iisul wasaraha oo faray iney dhankooda juhdiga galiyaan cod siinta.

Sidookale wasiiro kale ayaa dhankooda bilaabay in midkasta uu keensado ugu yaraan 3 xildhibaan si tirada xildhibaanada codka kalsoonida siiya ay u bataan.