Nabad iyo nolol oo go’aan ku gaartay in kursiga la dhaafiyo Xildhibaan Mahad Salaad.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen xubno umidoobay kuraasta qaar ee Galmudug taalla oo ay iska taageerida ay ku heshiiyeen.

Kursiga sumadiisu tahay #Hop147 oo doorashadiisu ka dhaceyso Dhuuso mareeb ayaana waxa markaan ay umuuqataa in Mahad Maxamed Salaad uu wajahayo loolan aad uculus.

Xubnaha taageeraya Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) ayaa waxaa ka mid ah Cabdinaasir Geelle Cilmi oo ah Wasiirka Qorsheynta Galmudug,Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) & Xubno kale.

Nabad iyo nolol ayaa umuuqata in gadaal ka toogasho siyaasadeed ku sameeneyso Mahad Maxamed salaad oo dagaalkii lala galay Ahlusuna bilo ka hor muujiyey doorkiisii looga baahnaa.