Nabadoon Caan Ahaa Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa goordhow degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ahaa oo laga yaqaanay gudaha degmadaas.

Dadkii ka ag dhowaa xiliga uu dilka dhacaayey ayaa sheegay in dhalinyaro hubeysan ay Nabadoonka ku dileen Suuqa Ariga ee degmada Deyniile.

Nabadoonka ayaa halkaas ku sugnaa waxaana uu u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray

Macalin Cabdi Siyaad Geedi ayaa lagu magacaabi jiray isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha wax kasoo xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanaya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ay gaareen halka falku ka dhacay, iyagoona la tilmaamay inay kasoo qaadeen Meydka Nabadoon Cabdi Siyaad, xili halkaas ay baxsadeen ragii ka dambeeyay dilkiisa.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Odayaal iyo xubno kale oo ka tirsnaa dowladda Federaalka.