Nabadoon isagoo Quran Akhrinaya inta Gurigiisa loogu galay laguna dhextoogtay.

Nabadoon Maxamed Xassan Nuur
dilka Nabadoon Maxamed Xassan Nuur

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nabadoon Maxamed Xassan Nuur oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dhex dilay magaalada Muqdisho, isagoo aqrinayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka laguna dhex filay gurigiisa.

Dika ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Juungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, kadib markii ay weerareen laba nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, kadib dhacdadaas waxaana goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Weli lama oga Cidda kadambeysa Dilka loogaystay Allha unaxriistee Nabadoon Maxamed Nuur Muuse .