Nairobi:- Xog laga Hoteel qaali oo la sheegay inuu iibsaday Saciid Deni.

NAIROBI-AYAAMAHA-Warar kala duwan ayaa sheegaya in Saciid Deni  madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland uu iibsaday hotelka lagu magacaabo (Sarova Stanley) oo ku yaala magaalada Nairobi.

Maamulka hoteelka caanka ah Sarova Stanley ka jawaabay inuu Hoteelkooda uu iibsaday Siciid Deni, wararkaasna uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale maamulka hotelka Sarova Stanley ayaa shaaca ka qaaday inay shacabka uga digayaan wararkaasi been abuurka ee lagu faafiyey Internet-ka.

Warararkan ayaa waxaa horey u daabacay qaar ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya, iyaga oo sheegay in Deni uu gatay huteelka Sarova Stanley qaybtiisa Nairobi.

Madaxda Soomaalida ayaa lagu dacaayadeeyaa inay guryo qaali ah ay ka iibsadaan wadamada deriska la ah Soomaaliya ama wadamada carabta, taas oo inta badan been kusoo dhammaata.