Naji Rashed Al Naimi “Ma sifayn karo sida aan dareemayo. Dalkayga yar hadda waa udub dhexaadka adduunka,”

Magaalada Dooxa ayaa xilligan ah mid si aad ah u mashquul badan islamarkana farxaddu waa mid la dareemi karo meel kasta. Markaad dhex socoto suuqa, waxaad maqli kartaa luqado badan oo kala duwan iyadoo taageerayaashu ruxayaan calamada kooxaha ay taageerayaan. Dadka Mexico, Morocco iyo Argentine ayaa si gaar ah u fir fircoon, waxay daawadaan ciyaaraha iyagoo ruxaya calamo iyo cunnooyiinka ay gacmaha ku sitaan. Waxaad meel kasta ku arkaysaa caruur yar yar oo xiran fanaanadaha qaranka Qatar. “Dad ka kala yimid daafaha caalamka ayaa hadda halkan jooga,” waxaa sidaasi ii sheegay Naasir oo aan magaciisa oo saddexan aan ii sheegin, isagoo farta ku fiiqay dadkii suuqa joogay. “Anaga reer Qatar – tani waa maalin sharaf inoo ah.”

Indhaha oo dhami waxay eegayaan shaashadaha waaweyn ee miqaayadaha marka ay bilaabatay xafladdii furitaanka koobka adduunka.

“Ma sifayn karo sida aan dareemayo. Dalkayga yar hadda waa udub dhexaadka adduunka,” ayuu yiri Naji Rashed Al Naimi .

“Wax badan ayaan soo marnay si aan halkan u soo gaarno, dhibaatooyin badan iyo caqabado ayaa na soo maray,” ayuu yiri Mr Al Naimi. Isaga iyo saaxiibadiis waxay aad u jecel yihiin inay nooga warramaan astaanta xafladda – taariikhda Qatar iyo sida ay dalalka Khaliijka uga soo gudbeen waayihii hore ee saxaraha, ayna u martigelinayaan Koobka Adduunka.

Dadweynihii goobta fadhiyay ayaa u sacab tumay markii uu yimid Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani iyo Aabihii, Amiirkii hore ee Hamad bin Khalifa Al Thani.

Muuqaal kayd ah oo muujinaya hogaamiyihii hore ee da’da yar oo kubad ku ciyaaraya saxaraha. Muran ayaa hareeyay tartanka koobka kubbadda cagta ee lagu qabanayo dalka Qadar. Murankii ugu dambeeyay ayaa ka dhashay ka dib markii ay dowladda Qadar laba maalmood ka hor tartanka ay mamnuucday in khamri lagu dhex cabo garoomada ay ciyaaraha ka dhacayaan.

“Tani waxay ahayd riyo, hadda waxaad ku arki kartaa indhahaaga. Aad baan ugu faanayaa,” ayuu yiri Salem Xassan Al Mohanadi . “Dhammaan kuwii na dhaliilayay, maantana waanu tusnay.”

“Dhaleecayntan aad ayay i murjisay,” ayuu yiri Sacad Al Badr isaga isha ku haya ciyaarta Qatar iyo Ecuador dhexmareysay.

“Muddo 12 sano ah, waanu walwalsanayn, annagoo garanayn inay run ahaantii dhici doonto iyo in kale, hadda waanu joognaa.”