Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad Gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay.

Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday waxaa dhacay 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.