Nimco Happy “Waxaan arkay heesteyda oo ay ku luuqeynayaan wiilal iyo gabdho caddaan ah”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maalmahan si aad ah baraha bulshada looga hadal hayaa hees ay ku luuqaysay fannaanadda Nimco Happy, heestan oo si weyn looga daba dhacay ayaa soo jiidatay dad badan oo ajaaniib oo isticmaala baraha bulshada.

Heestan waxay xitaa soo jiidatay warbaahinta adduunka qaarkeed iyaga oo wax ka qoray sababata heestan ay sidan ugu soo shaac baxday.

Muuqaalada ugu badan ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ku saabsan heesta Nimco Happy waxa ka falcelinayay dad u badan ajaanib.

Heestaan oo erayadeeda ay ku jiraan luuqado kala duwan ayaa xiiso gaar ah u yeelatay dhagaystayaasha caalamka oo aad soo jiidatay.

Heestaan ayaa la sheegay in aad looga dhagaysanayay maqaayadaha lagu caweeyo ee magaalooyinka London iyo New York maalmihii la soo dhaafay.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa heestan ka daba dhacay maaliyiin qof oo adeegsata baraha bulshada iyadoo si weyn loogu ciyaarayay arooska ka dhaca dhulka Soomaalida iyo dalalka dibadda.

Nimci Happy oo wareysi siineysay warbaahinta Buzzfeednews waxay sheegtay inay ku faraxday markii ay dhawaan aragtay in heesteeda si weyn ay u qabsatay caalamka.

“Aad baan ugu farxay, dareenkeyga ma cabbiri karo, waxaan ogaaday in adduunka la iiga aqoonsaday, haatan waxaan ahay qof caalami ah” ayay tiri Nimco Happy.

Waxay intaa ku dartay in heesteeda ay soo jiidatay dadka ajaaniibta ah isla markaana ay ku faraxsan tahay in dhaqanka Soomaalida la jeclaado heesteedana ay qeyb ka tahay.

“Waxaan arkay heesteyda oo ay ku luuqeynayaan wiilal caddaan ah, sidoo kale gabdho Asian ah ayaa ku heesyay, dhammaantood waan daawaday”

Nimco Happy waxay 2015 kusoo biirtay fanka iyo suugaanta, waxay xilliggaas bilowday in heesaheeda ay galiso baraha bulshada, haatana waxaa soo caanbixiyay heestan oo markii ugu horreysay la duubay sanadkii 2017, waxaa la is dhihi karaa arrintani waxa ka qeybqaatay baraha bulshada oo ay dhalinyarada Soomaalida si weyn u adeegsadaan.

Nimco Happy oo dhawaan kusoo biirtay barta TikTok ayaa haatan waxaa boggeeda kusoo xirmay in ka badan 200 kun oo qof halka ay caalamadda jamasho ama Likes u saareen in ka badan 2 malyan oo qof.

Halka muuqaallada qaar ay soo dhigtay bartan ay daaween in ka badan 4 Milyan oo qof, waxay durbadiiba heshay astaanta buluugga ah ee la siiyo dadka caanka ah.

Fanaaniin iyo majaajislistayaal caan ah oo udhashay dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii iska duubayay muuqaalka heesta Isii Nafta ee Nimco Happy.