Nin Awood ku dhex lahaa “Daacishta Soomaaliya” oo xukun adag lagu riday!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya una qaabilsanaaDaacish Xawilaadda lacagaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku qaaday xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.

2016 ayuu goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Argagixisada Alshabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamaddu sidoo kale sheegtay in sanadihii 2019-2020 uu u isticmaalay lacag ka badan $400,0000, isla markaana lacagtaasi ay u gacan gashay Qaarkeed muwaadiniin u dhashay Uganda & Itoobiya oo ku sugan wadanka Koonfur Afrika.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.