Nin ciil dartiis u gubay qabriga soddohdiis hore

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa la sheegay in magaalada Layyah, ee gobolka Punjab ku gubay qabriga soddohdiis hore oo geeriyootay 25 sano kahor.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa 13-kii bishan batrool ku shubay qabriga, isagoo ku hanjabay in sawirrada goobtana uu u dirayo xaaskiisii hore.

Arrintan ayaa waxay ka dhalatay kaddib markii uu xaaskiisii hore oo ay kala tageen 10 sano kahor uu usoo bandhigay inay dib isku guursadaan, taas oo ay diidday.

Haweeneyda walaasheed oo dacwad ka gudbisay ninkan ayaa waxay sheegtay in ninku ku hanjabay inuu qabriga hooyadeed gubayo kaddib caro uu ka qaaday diidmada ay walaasheed diidday codsigiisa.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in qabriga lagu arkay calaamadaha in la gubay, isla markaana la soo xiray ninka oo maxkamadna la soo saari doono.

Booliiska ayaa sheegay in markii ay warkan heleen kaddib, ay tageen goobta isla markaana ay wareysteen xubnaha qoyska gabadha iyo dadkii deegaanka.

Waxayna kaddib u howlgaleen sidii ay kusoo heli lahaayeen una soo xiri lahaayeen ninkan falkan geystay.

Booliiska ayaa sheegay in kiiska la baarayo isla markaana la soo xiray ninkan kaddib baadigoob qaatay 24 saacadood, ilana marsiin doono sharciga.