Nin dhowaan qaatay diinta Islaamka oo fuliyey weerarkii xalay ka dhacay dalka Norwey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin u dhashay Demark oo 37 sano jir ah ayaa loo xiray weerarkii xalay ka dhacay dalka Norwey kaasoo booliska ay su’aalo waydiinayaan.

Booliska waxay sheegeen in dhowaan ay heleen dacwado ninkaas ka dhan ahaa oo la xiriiray in laga cabsi qabay in uu xagjir noqday ka dib markii uu diinta Islaamka qaatay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso iyo in kale.

Afar qof oo dumar ah iyo mid rag ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerarkaas oo loo adeegsaday qaanso iyo falaar.

Taliyaha Booliska Norway, Ole Bredrup Saeverud, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhammaan dadka dhibaatada ay soo gaartay ay da’ ahaan u kala dhexeeyaan 50 illaa 70 jirro.