Nin diley Xaaskiisa oo isna isla goobtii lagu diley.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dileen nin la sheegay inuu ku diley xaaskiisa deegaanka Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose.

Dhacdadan oo ka dhacday meel ku dhow deegaanka Lambar 50 ayaa waxaa muran soo kala dhex galay nin iyo xaaskiisa taasoo sababtay in uu gowraco ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo isku dayay in ay gacanta ku dhigaan Ninka falka gaystay, balse waxaa la sheegay in uu diiday inuu isku dhiibo ciidanka uuna Toorreey lasoo baxay, waxaana isla goobta ku toogtay Ciidankii.

Ma ahan markii ugu horreysay nin dila xaaskiisa ama naag disha ninkeeda ee waa arrin soo noqnoqtay.