Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo isku qarxiyay Hooyadii Iyo Aabihii.

nin isku qarxiyay Hooyadii Iyo Aabihii.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddex qof oo uu ku jiro qof isa soo miidaamiyay ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ismaamulka Kisumu ee Galbeedka Kenya, sida ay booliisku xaqiijiyeen.

Taliyaha booliska ismaamulka Kisumu Karanja Muiuri ayaa sheegay in dadka dhintay oo kala ahaa nin iyo xaaskiisa ay ku dhinteen qaraxa fiidnimadii talaadada ee deegaanka Nyakach halka qofka weerarka geystay uu isna isla goobta ku dhintay kadib markii uu is qarxiyay.

Muirui ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu ahaa Joseph Odhiambo Ondiek oo loo yaqaan Pope, kaasoo u tagay guriga lamaanaha iyo gabar ay dhaleen halkas oo uu isku qarxiyay kadib markii uu su’aalo kooban uu weydiiyay.

Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis.

Diseembar 17, 2020 Pope wuxuu isku dayay ninkan inuu ku dilo saaxiibtiis oo 16 jir ah guri ay ka kiraysteen magaalada Katito isagoo ku eedeeyay gaalnimo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu ku diley qaraxa hooyadii iyo aabihiis halka gabadha dhaawacantayna ay ahayd walaashiis.

Booliska ayaa sheegay in 44-jirka is qarxiyay looga shakisan yahay inuu ka soo laabtay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ka dhaca gobolka Bariga Afrika.