Nin ku hubeysan qaanso iyo falaar oo Dad ku laayey Dalka Norway

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shan qof ayaa dhimatay laba kalana waa ay dhaawacmeen dalka Norway kaddib markii uu weerraray nin adeegsanaya qaanso iyo falaar sumeysan.

Xalay abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah ee dalkaas ayaa Booliska waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay waddanka Denmark oo 37-jir ah ayaa loo xiray tuhun ah inuu weerrarka fuliyay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Afhayeen u hadlay suuqyarahaasi ayaa markii dabme xaqiijiyay in “fal halis ah” uu ka dhacay halkaasi, waxa uuna intaasi ku daray in shaqaalahoodu aanay wax dhibaato jireed ah soo gaarin.

Waa weerarkii ugu horreeyey ee noocaan ah oo ka dhaca dalkas ee loo adeegsado Qaanso iyo Falaar ee ka dhaca dalka Norway.