Nin la sheegay inuu aasayay waxyaabo qarxa oo gacanta lagu dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ayaa xalay gacanta ku soo dhigay Nin la sheegay inuu waxyaabo qarxa ku aasayay wadada xiririsa magaaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ninka oo qalabka qarxa gelinayay wadada marta deegaanka Bacda ee waqooyiga Hiiraan ayaa Ciidamada Amniga ku guulleystay in gacanta ku dhigaan.

Dadka deegaan ayaa fududeeyey in ninkaan gacanta lagu soo dhigo waxayna ciidanka ku wargeliyeen in Ninku sameeynayay falkaan qarax aasida ah.

Saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ee ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka la qabtay lagu xiray Saldhiga Booliska magaalada, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah oo lagu sameeynayo.

“Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga falalka amni darro ee Al-shabaab doonayaan inay ka geystaan gudaha deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka SONNA.

Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa intabadan waxaa ka dhici jiray Qaraxyo isugu jiray miinooyin iyo kuwa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ciidanka dowlada lala beegsan jiray.