Nin Lagu Eedeeyay in uu Iibin Jiray Hilib Dameer Oo Gacanta Lagu Dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Ammaanka degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin lagu eedeeyay in uu suuqa degmadaaasi ku iibin jiray Hilib dameer, kaas maalmo ka hor ay ka banaanbaxeen bulshada degmadaas.

Ninka la qabtay ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, isaga oo sheegay in hilibka uu u adeegsan jiray in uu Mallaay ama kalluun ku dabto.

Duqa degm,ada degmada BuuloBurde iyo Kusimaha Taliyaha Booliska degmada Buulo-Burde ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadka Hilibka dameerka qali jiray, hayeeshee aysan jirin warraka sheegaya in Suuqa lagu iibinayay hilibka dameero.

Waxaa ay sheegeen in dadka arrintaan loo xiray ay sheegeen inay hilibka dameerka u adeegsan jireen inay mallay kusoo dabtaan, sidoo kalea ay baaritaano dheri ah sameyn doonaan.

Maalmo ka hor ayaa degmada Buulo-Burde waxaa banaanbax ka dhigay qaar kamid ah bulshada ku nool, iyaga oo dalbanayay in wax laga qabto dad Hilibka dameerka ku iibinayay degmada balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah u xaqiijisay.