Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho oo xukun lagu riday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa loo soo xiray  Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii  kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi.

29-kii May,  ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor Ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa uuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho.

Beledwayne ayuu Alshabaab kaga biiray, waxaana ku qalqaaliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa.

Maanta ayay Maxkamadda ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah  Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.