Nin qirtay inuu dilay Ardayadii ku baastay imtixaanka shahaadiga oo la qabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iyo kuwa deegaanka Ceelasha Biyaha oo iskaashanaya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen xaafadaha deegaankaasi waxay gacanta kuso dhigeen Jeylaani Aadan Abaadir oo ku eedeysan dilka Allah u naxariiste Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii ku baastay Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee dalka oo ay qaado sanad walba dowladda Soomaaliya.

Hooada dhashay Hibo Qaasim ayaa u mahadcelisay Booliska Soomaaliya ee gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglaha sida arxaan darrada ah u dilay Hibo Qaasim oo aheyd Ardayadii ku baastay imtixaanka shahaadiga

Gelinkii dambe ee maalintii Isniinta ayay aheyd markii Hibo Qaasim nin ku hubeysan mindi ama tooreey uu ilaa 5 jeer ku dhuftay, isaga oo doonaayay inuu ka qaato taleefankeeda gacanta ah, waxaana dhiig bax badan kadib Hibo ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaala deegaan Ceelasha Biyaha.

Taliye Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurta gashay iney gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi kasoo jeeda deegaanka, islamarkaana ay aqoonsadeen dadka deegaanka, taasina ay sahashay iney gacanta kusoo dhigaan.