Nin Soomaali ah oo lagu dilay Toronto iyo Booliska oo baaritaano billaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sahal Maxamed Sahal ayaa Sabtidii lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana sida ay sheegeen Booliska Toronto Sahal iyo laba gabar oo la socday rasaas lagu furay, xilli ay waddada marayeen.

Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed ayaa waxaa uu ahaa 35 jir muwaadin Soomaaliyeed.

Saddexdooda ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka, walow Allaha u naxariisee Sahal uu markii dambe u geeriyooday.

Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo bandhigin cid lala xiriirinayo falkan, balse waxey sheegeen in la arkayay gaari cad oo goobta ka baxaya, ayna socodaan baaritaanno lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay falkan.

Dadka goobta ka agdhawaa, ama haya muuqaallo la xiriira dhacdadan ayaa laga codsaday inay la xiriiraan booliska.

Dalka Canada ayaa hore loogu diley muwaadiniin asalkoodu Soomaali ah balse haysta dhalashada dalkaasi Canada.