Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey dilka Xildhibaan 40 sano kamid ahaa Baarlamaanka UK

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay.

Booliska ayaa sheegay in nin 25 jir ah loo xiray tuhun dil kadib markii lagu weeraray kaniisad ku taal Leigh-on-Sea.

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.

Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo islaamiyiin xagjir ah”.

Boris Johnson Ra’iisul wasaaraha Ingariiska  ayaa ka hadlay naxdintiisa iyo murugadiisa ku aaddan dilka xildhibaanka, waxaana uu ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo oo cadaalad la horkeeno kuwii ka dambeeyay.

Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan qabanqaabada amniga ee xildhibaannada “si dhaqso leh u dhaqan galaya”, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaas yiri.

Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna qabay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha sanadkii 2016 -kii.