Nin watay Bambooyin oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Xaafada Cali turcaaye ee dagmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa laga soo sheegaya in halkaasi ay ciidamada amaanka ku toogteen nin hubeysnaa.

Ninkan ayaa watay qori AK47 ah iyo Bambooyin sida ay sheegeen  Masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Yaqshiid .

Ciidamada  ee toogtay ayaa ku jiray  howlgal roondo ah waxaana ay la kulmeen ninkan hubeesan kaa oo ay sheegeen in uu isku dayay in uu la dagaalamo ciidamada amaanka.

Ciidamada amaanka ayaana goobtaasi ku toogtay ninka hubeesan kana qaaday hubkii ay wateen, waxaana ninka la dilay ciidamada geeyeen xarunta Dmabi baarista ee CID-da halkaas oo lagu baarayo.

Kooxo hubeesan ayaa xiliyada qaar dhibaatooyin ka geesta xaafado katirsan magaalada Muqdisho, lamana sheegin wali ninkan ciidamada toogteen in uu kamid ahaa kooxaha hueesan ee dowlada dagaalka kula jira iyo in kale.